Warbixin ku saabsan fiiruska fida covid-19 oo ku qoran Afka Soomaaliga

Dhinacaan waxaan kusoo aruurinay warbixin ku saabsan koroona fiiruska fida, tanoo ay saameyneyso maktabada iyo talooyin sida maktabada ay idinkugu martiqaadi lahayd xaga khadadk la galo.

Anaga ka shaqeeyna maktabada waxaan raacnaa sharciyada ay soo jeediyaan Hay`ada caafimaadka shacabka. Guriga joog haddii aad dareemeyso xanuun yar xitaa. Ka taxadar nadaafada gacmaha iyo waa ineydaan isku soo dhawaan oo aad kala fogaataan.

Warbixin la aamini karo iyo akhbaarada

Waxaa fidaya warbixino aad u fara badan oo ku saabsan koroona fiiruska. Waxa la sheegayo oo dhan run maaha. Meeshaan waxaad ka heleysaa warbixino la aamino karo oo ka timid Hay`adaha dawlada oo ku qoran luqado kala duwan:

Meeshaan waxaad ka heleysaa akhbaaraadka oo luqada kala duwan ah kaasoo ku saabsan koroona fiiruska taasoo laga soo daayo raadiyaha isweedhan:

Ka feker intaadan qaybin(fidin) warbixinta ku saabsan koroona fiiruska. Meeshaan waxaan ku qoran 5 talo warbixinada xaaladaha adag(Krisinformation.se):

  • Ka fiirso marka aad isticmaaleyso dhinacyada(Facebooga,Inistagaraam iyo Snapchatka).
  • Mar walba raadi wixii xog ah(dhab ah).
  • Ha faafin waxaanan run ahayn(sax ahayn).
  • Ha qaybin sawirada dadka dhibaatada ka soo gaartay cudurkaan.
  • Ka feker in warbixinada muhiimka ah ay waqti qaataan.

Sidaan ayuu u saameynayaa koroona fiiruska maktabada

  • Waqtiyada uu furan yahay waa kala duwan yahay.
  • Degmooyin fara badan ayaa si ay uga hortagaan faafista cudurkaan koroona fiirus kuu sahlay iney ixsaan kuu sameeyaan adiga tusaale ahaan buugaagta aad amaahatay waqtigooda aad kusoo celin lahayd in laguu dheereeyo iyo in dhowr jeer lagu amaahiyo.
  • Munaasabado fara badan oo la qaban lahaa ayaa dib loo dhigay.

Dhibaatooyinkaan horumarka deg-dega ah sameynaya ayaa keenaya in isbedelo dhaqso ay u dhacaan. Anaga waxaan idinka baryeynaa inaad nala fahamtaan xaaladahaan adag. Xusuuso adiga mar walba waad ku soo dhawaan karta oo aad nala soo xiriir kartaa anaga maktabada. dhinaca www.bibliotekvarmland.se waqtigaan xaadirka waxaa ku jira warbixino ku qoran afka (Isweedhishka).

Adeegasho dhinaca kombiyuutarka ee maktabada

Ma heysataa kaarka buugaagta lagu amaahdo adigoo guriga jooga ayaad u isticmaali kartaa adeega maktabada xaga kombiyuutarka.

Aniga dhinaceyga ee maktabada (Bibliotekvarmland.se)
Haddii aad gasho adiga dhinacaaga anaga websaytkeena adiga naf ahaantaada ayaa buugaag ka amaahan kara,amaahan kara xaga kombiyuutarka buuga iyo buugaagta la dhageysto,fiiri waqtiga aad soo celineyso iyo ka sii balanso buugaagta. Adiga waxaad u baahan tahay kaarka buugaagta lagu amaahdo sidoo kale tirooyinka lagu galo. Meesha laga galo waxaad ka heleysaa meesha kore dhinaca midigta websaaytka dhiniciisa.Warbixinada oo dhan waxay ku qoran yihiin luqada isweedhishka.

Akhriso Jariidada dhinaca khadka (Pressreader)
Sidoo kale Jariidada la Akhristo oo aad fursat u heleyso inaad isticmaasho jariidadaha dhan oo ku qoran luqado fara badan oo kala duwan.

Sidaan ayaad u isticmaali kartaa Jariidadaha guriga lagu Akhristo:

  1. Gal dhinaca maktabada (Bibliotekvarmland.se)sidoo kale laba iyo tobankaaga nambar ama kaarka buugaagta lagu amaahdo nambarkiisa iyo tirooyinka lagu galo meesha kore dhinaca midigta.
  2. Gal dhinaca Jariidada la Akhristo-dhinacaan oo aad ka heleyso marka ugu horeysa oo aad soo gasho ama cinwaankan www.bibliotekvarmland.se/web/arena/attanvanda-biblioteket/pressreader
  3. Riix isku xiraha ”Isticmaal Jariidada la Akhristo” ("Använd Pressreader / Use Pressreader") taasoo aad ka heleyso meesha ugu hooseysa dhinaca (isku xiraha wuxuu ku tusinayaa markaad dhinaca ku jirto oo keliya).

Jariidada la Akhristo waxaa jira xitaa iyadoo app ah. Marka aad app ka isticmaaleyso guriga waxaad ku khasban tahay marka ugu horeysa inaad ku xirato wifi ka maktabada. Sidaan ayaad adiga u isticmaali kartaa appen:

  1. Ku soo dejiso Jariidad la Akhristo lacag la`aan (App Store ama Google Play)
  2. Ku xiro adiga maktabada khadkeeda oo aan fiilo kaaga baahneyn. Adiga waxaad ku khasban tahay inaad joogto maktabada marka sidan aad sameyneyso.
  3. Fur appen Jariidada la Akhristo. Kan markaas wuxuu dareemayaa inaad ku xiratay maktabadii. Waad soo dejisan kartaa iyo Akhriso Jariidadaha iyo mawduucyada xaga appen muddo waqti laba bilood gudahood, xitaa xaga guriga.

Akhriso iyo dhageyso buugaagta khadka (ugu horeynta luqada isweedhishka)
Adiga waad ku amaahan kartaa lacag la`aan buugaagta xaga kombiyuutarka iyo elektrooniga buugaagta la dhageysto taasoo caruur iyo dad waaweynba xaga(appen Biblio). Buugaagta intooda badan waxay ku qoran yihiin isweedhish. Sidaan ayaad adiga ku bilaabi kartaa:

  1. Kusoo dejiso guriga appen Biblio xaga App Store ama Google Play.
  2. Fur appen iyo dooro ”Bibliotek Värmland” iyo ku qor laba iyo tabankaaga nambar ama kaarka buugaagta lagu amaahdo nambarkiisa iyo tirooyinka lagu galo.
  3. Dooro hal buug taasoo aad ka dooraneyso qaybta aad rabto ama raadi adiga buugaaga kadib riix amaahanaya ”Låna”. Adiga waxaad amaahan kartaa laba buug usbuucii iyo waqtiga aad heysan karto waa 28 maalmood.
     

Buugaagta elektrooniga ee maktabada adduunyada (Världens bibliotek)
Maktabada adduunyada waxaa hawlaheeda wada maktabada Malmö iyo waxay hayaan buugaagta elektrooniga iyo buugaagta la dhageysto taasoo caruur iyo dad waaweynba leh oo luqado kala duwan ku qoran. Adeegan waa u furan yahay dadkoo dhan isweedhan iyo waa lacag la`aan-waxa keliyaha oo aad u baahan tahay inaad sameyso isdiiwangelin sidoo kale E-meylkaaga.

Halkaan wax badan ka akhri iyo isticmaali maktabada Adduunka.
 

Hel buugaagta in gurigaaga albaabkiisa lagugu keeno
Adiga aanan imaan karin maktabada taasoo ay sabab u tahay jiro darteed, da`daada oo aad u weyn tahay ama naafo aad tahay adeegaan waa jiraa ”Buugii waa imanayaa”. Adeegaan xagiisa waad heleysaa buugaagtii in adiga guriga laguugu soo diro. Waqtigaan hadda lagu jiro cudurkaan koroona degmooyinka qaarkood waxay kordhiyeen ”Buugii waa imaanaa”wixii dheeraad ah. La xiriir maktabadaada si aad u maqasho sida ay u adeegaan waqtigaan lagu jiro.

Språk